Dadkaan oo gaaraya illaa iyo 21 qof ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Mandheera oo lagu magacaabo Elwak subcounty hospital kadib markii ay jirdil iyo dhaawacyo ay u geysteen Ciidamada militariga Kenya.
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday xaafada Harwale taasi oo dhacda koofurta magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya halkaas oo ay galeen ciidamo katirsan militariga dalka Kenya kuwaas oo ku andacoonayay in rag ka mid ah Al-shabaab ay halkaas ku dhuumaalaysanayaan.
Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga iskuulada xaafadaas ku yaala oo diiday in magaciisa la adeegsado sababo ammaan ayaa sheegay in laba gaari oo waaweyn ay weteen ciidamada soo galay xaafada Harwale kuwaas oo dadka u sheegay in ay raadinayaan Al-shabaab balse markii dambe ku dhaqaaqay in ay garaacis iyo jirdil ugeystaan dadkii degaanka ku sugna.
Booliskii xaafada ku sugan ayaa la tilmaamay in ay in ay hubka dhigis ku sameeyeen markii dambe ay si xun u garaaceen.
Dad isbitaalka la dhigay ee la sheegay inay jirdilka u geysteen ciidamada militariga Kenya ayaa sheegay in dhaawacyo dhabarka iyo gacmaha ah ay qabaan.
Afhyeen u hadlay ciidamada Kenya waxaa uu beeniyay dhibaatadaas ay ciidamadu u geysteen dadka shacabka ah.

