Madaxweynaha Maamulka Jubba-land axmed maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Tababar Ciidan ugu soo xirey Ciidamo katirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ciidamadan oo qayb ka noqon doona ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa Mudooyinkii dambe tababar ku qaadanayay Magaalada Kismaayo iyagoo maanta uu tababarkan usoo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land axmed maxamed Islaam Axmed Madoobe oo askartaan hadalo dardaraan ahaa u jeediyay ayaa kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalaan howliha loo ikmado oo qeyb ay ka tahay ilaalinta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ciidamada ayuu kula dardaarmay Madaxweynaha Maamulka Jubb-land axmed Madoobe in ay ka fogaadan mukhaadaraadka isla markana ay salaada tukadaan oo ay ogaadan in dunidan maalmo kooban ay tahay waxaana uu carabka ku adkeeyay in hawsha u taala ay ku daraan Alle ka cabsi iyo u jajabnaan Bulshada ah.















