Rag aad u hubaysan oo la sheegay in ay ka Tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday xarun ay booliisku leeyihiin oo Kenya ku taala gaar ahaan degaanka Diif oo dhaca dhinaca koofureed ee Magaalada wajeer ee Gobolka Woqooyi bari, weerarkaan ayaa la tilmaamay in uu dhacay xili ay ku beegneed 1:00-dii habeenimo .
Dhacdadaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha booliska dalka Kenya Joseph Boinnet waxaana uu yiri “haa weerarku waa uu jiraa waxaana uu dhacay xili ay ku beegneed kowdii habeenimo balse boolisku si adag ayay isaga caabiyeen waana ay la dagaaleen inkastoo kooxda weerarka soo qaaday ay gaarayeen illaa iyo 100-askari kuwaas oo watay 3 gaari oo waaweyn iyo hoobiyayaal, majiro wax qasaara ah oo dhineceena soo gaaray, waa ay baxsadeen waxaana ay bililiqaysteen teendhooyin ay ciidanku deganaayeen iyo dukaamo waxaa macquul ah in qasaare uu soo gaaray dhankooda.
Dhawr illo wareed oo kala duwan oo warbaahintu ay heshay ayaa sheegaya in 13 qori iyo rasaas aan cadad keeda lahayn ay hakaas ka furteen shabaabkii weerarka soo qaaday.
Xarakada Al-shabaab oo warkooban kasoo saartay weerarkaan waxa ay sheegeen in ay la wereegeen degaanka Diif oo ah halka ay weerarka ku qaadeen kadib markii ay sheegeen in ay ka awood roonaadeen Booliskii degaankaas ku sugnaa.

