Maamulka Galmudug oo Ahlusuna Ugu Baaqay in aysan Hurin Dagaalo ka Dhaca Gobolka Galgaduud+Dhageyso

0

Wasiirka Waxbarada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye oo horey u soo Noqday Gudoomiyihii 3-dii Gole ee Maamulkii Hore ee Ahalusun waljamaaca oo waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa laga Xumaado ku tilmaamay Colaad u dhexaysa Galmudug iyo Ahalusuna ee ka soo Cusboonaatay Gobalka Galgaduud.

Sheekh Ibraahim Wasiirka Waxbarada  Galmudug oo hadlayey ayaa Sheegay in Ujeedkii loo Aas-aasay Maamulka Ahlusuna uu ahaa Xasilinta Amaanka iyo Difaaca Dalka, Balse hada la Bur-buriyey Dhamaan Ahdaaftii loo sameyey Maamulkaas,waxa uuna  Xusay in Siyaasiyiin dano gaar leh oo ka soo horjeeda Maslaxada Gobalada Dhexe ay hada  hor boodayaan.

“Waxaan uga baaqayaa walaalahay aan horey Ahlusuna uga  wada tirsanaan jirnay inay ka waan toobaan Horinta Dhibaatooyinka ay ka wadaan Gobalka Galgaduud islamarkaana ay wadada hadal ku raadiyaan hadii ay wax tabanayaan si Maamulka Galmudug uu uga Qanciyo Arimaha ay ka cabanayaan ama ay tabanayaan, Galmudug wax ay diyaar la tahay in laga Fogaado wax walba Sababi kara in Dhiig daato” ayuu yiri Wasiir Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka Dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Aalusuna ayaa Cirka isku sii Shareeraya waxaana Xiisad Dagaal oo udhaxaysa Ciidamada labada maamul laga dareemayaa Deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud gaar ahaan Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer-guuree oo dhexeeya Magaalooyinka Dhusa-mareeb iyo Cadaado.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here