Ciidamada Galmudug iyo Ahalusuna oo Saaka is Hor-fadhiya iyo Cabsi Laga Qabo Dagaal in uu Bilowdo

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud ayaa Sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhexsay Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Ahalusuna in ay Saaka ka taagan tahay Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer Guur oo dhaca inta u dhexaysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhusa-mareeb e Gobalka Galgaduug halkaas ay isku Hor fadhiyaan Ciidamada labada Maamul.

Ciidamada Maamulka Ahalusun oo duulaan ku ah Magaalada Cadaado oo Xaruun ku meel Gaar u ah Maamulka Galmudug ayaa Subixii Hore ee saaka la wareegay Ganac ku heynta Deegaanka Dhuumoodle oo Magaalada Dhusa-mareeb kaga beegan Dhanka Cadaado.

Warar waxa ay intaa ku sii darayaan in Xalay ilaa saaka uu Maamulka Gobalada Dhexe uu Ciidamo ku Daad guraynayo Deegaanada u Dhexeeya Dhusa-mareeb iyo Cadaado waxaana laga Cabsi qabaa in uu bilowdo Dagaal toos ah oo dhexmara Ciidamada  Maamulka Galmudug oo Garab ka helaya Ciidamada militariga Soomaaliya Qeybta 21-aad ee Gobalka Galgaduud iyo Ciidamada Ahalusuna oo isku Hor-fadhiya Saaka Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer-guur.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahalusuna oo aan Xiriir la sameynay waxa ay ka Cududaarteen inay wax faah-faahin ah ay ka Bixiyaan Xiisada Dagaala ee Gobalka Galgaduud.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here