Madaxweynaha Maamulka Jubba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka lagu haleeyay ciidamada Midowga Afrika ee Amisom oo dhalasho ahaan dalka aanan u dhalan.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Hogaamiyaasha dalka in ay ku mashquulsan yihiin arrimo kale islamarkaana amaanka Guud ee dalka gacanta loo galiyay askari aan u dhalan dalka halkii marka hore lagu wareejin lahaa Ciidamada Soomalida.
“Shabaab meelo kala duwan ayey dib u qabsadeen, waayo ammaanka dhan waxaa lagu halleeyay Amisom oo aan dalka lahayn , maadaama aan dalka loo dhisin Ciidamo u gaar ah.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
“Intee in la eeg ayeey ciidamada Amisom la dagaalamayaan Shabaab, hadii Amisom dalka ay ka baxaan sow Shabaab dib u qabsan maayo, hadii aanan la helin ciidan Qaran oo tayeysan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Madoobe.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Jubba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan dowlada Uganda ay sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Gudaha Soomaliya dhamaadka sanadkaan 2016-ka

