Maraykanka oo Sheegay in uu ka Caawinayo Dowlada Kenya Dib u Celinta Qaxootiga Soomaliyeed

0

Dawlada Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay ka caawiso dawlada Kenya iyo qaramada Midoobe  dadaalka wada jirka ah oo ay ku doonayaan in 150,000 oo qof oo ka mid ah qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan Dhadhaab sidii dib loogu celin lahaa wadankooda.

Caawinaadaan dheeraadka ah ayaa waxaa ay qayb ka tahay  mid uu ugu talagalay Maraykanku  in uu kala qayb qaato Qaramada Midoobe iyo Kenya dib u celinta qaxootiga kadib marka uu sidaas ka codsaday wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe sidaasna waxaa sheegay Margaret McKelvey oo ah agaasimaha gargaarka Africa xafiiska u qaabilsan wasaarada arrimaha dibada.

Ms McKelvey ayaa tilmaamay in barnaamijkaas uu dhowaan bilaaban doono,waxaana uu intaas  ku daray in dhawr qaybood uu ka koobnaa doono hadalkaan ayuu wariyayaasha ugu shiigay shir uu ku qabtay qadka telefanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here