Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo Hambalyo u Direy Dhamaan Ciidamada Xoogga

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed ayaa dhamaan Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed qeybihiisa kala duwan ugu Hambalyeeyay Musaasabadda Ciidul Fidriga.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ayaa ugu baaqay dhamaan Ciidamada in ay ka feejignaadaan weeraro kaga Yimaada dhanka Xarakada al-shabaab inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida.

”Waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan Argagaxisada arxanka daran ee ujeedkoodu yahay in ay sumacadda ka dilaan diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee aaminsan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here