Madaxda Qaarada Afrika iyo Raisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa kuwada kulmay Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda iyagoo kawada Hadlay arrimo badan.
Madaxda Uganda, Kenya, South Sudan, Rwanda, Raisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania oo metelaya Madaxweynaha Tanzania, ayaa la kulmay Raisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
Waxa ay kawada Hadleen Madaxda iyo Raisulwasaaraha dalka Israel sidii loo xoojin lahaa xiriirka, amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada ka jirta qaar kamid ah wadamada qaarada Afrika.





