Madaxweynaha Uganda oo Sheegay in Qorshe Xumo ay Haysato Istiraatiijiyada Howlgalka Amisom

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in Qorshe xumo ay haysato istiraatiijiyada howlgalka Midowga afrika ee AMISOM, taasina ay keentay in dowladiisa ay shaaciyo in ay kala baxayso Ciidamadeeda Gudaha soomaliya dhamaadka sanadkaan 2016-ka.

Yuweri Museveni ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ciidamada ay sii joogi doonaan waa hadii jihada wanaagsan laagu toosiyo istiraatiijiyada howlgalka Midowga afrika ee AMISOM ee Soomaliya ka socda.

Dowlada Uganda ayaa Dhawaan shaaciyay In ciidamada Soomaliya ka baxayso kadib markii Howlgalka Amisom ay ku eedeysay in uu si qaldan u wajahaayo istiraatiijiyada howlgalka soomaliya ka socda.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir Kampala ka dhacay oo madaxda gobolka ay uga hadleen amniga gobolka, shirkaasi oo sidoo kale uu ka qeybgalay RW Israel Benjamin Netanyahu oo booqanaya Africa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here