Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Hogaanka Xarakada al-shabaab in ay joojiyaan dagaalada ay ka Wadaan Gudaha Soomaliya.
“Xubnaha ka Tirsan Al-shabaab ha ahaadaan Hogaamiyaal ama Ciidamo waxaan markale ujeedinayaa baaq Gaar ah, waxaan ugu baaqayaa in ay ka waan toobaan in ay dilaan naf aan waxba galabsan, in ay waalidkooda iyo walaalahooda ay ka joojiyaan qarxinta argagaxa wadata, waxaan ugu baaqayaa in ay u yimaadaan dowladooda si ay noloshooda dib ugu soo laabato ayuu yiri”, Madaxweyne xasan sheikh oo qubad dhinacyo taabanaysa ka jeediyay Talefeshinka Dowlada uu kaga hadlaayay waxqabadkiisa.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa sidaan oo kale horey ugu baaqay Al-shabaab in ay kusoo biiraan Dowlada soomaliya inkastoo Hogaanka al-shabaab ay tilmaameen in ujeedkooda uu yahay in meesha laga saaro dowlada iyo Ciidamada Amisom.

