Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu kala direy Gollaha deegaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyadoo sidoo kale lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Magaalada Gaalkacyo.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Maalmihii dambe ay Magaaladaas ka dhaceen dilal loo geystay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.


