Booliska degmada Lamu ayaa ka digay in Xarakada Al-shabaab ay weerar ka geystaan degmadaas,
Taliyaha Ciidamada Degmada Lamu Abdullahi Adan ayaa sheegay in boolisku ay heleen warar sheegaya in rag hubaysan ay soo galeen degaanka Milimani oo dhaca bariga magaalada Lamu.
Mr.Adan ayaa xusay in markii ay heleen wararka laxiriira weerarkaas ay ciidamo u direen degaankaas si loo qiimeeyo xaalada illaa iyo haddana waa uu sheegay in aysan jirin wax arrintaas ku saabsan,waxaana uu intaas ku daray in ciidamada Booliska iyo militarigu ay roondooyin kawadaan degaankaas.
Taliyaha Booliska ee degmada Lamu ayaa waxaa uu sheegay in koox looga shakinsanyahay in ay katirsanyihiin Xarakada Al-shabaab lagu arkay baadiyaha u dhow degaanka Milimani ee degmada Lamu,waxaa uu sheegay in kastoo ciidamadu ay ku bexeen halkaas hadana aan la helin wax xog rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Saraakiisha degaankaas gaarana waxa ay sheegeen in ay u diyaarsanyihiin sidii ay uga fal celinlahaayeen Qatar kasta oo dhacda.
Wararka qaar oo laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in laga maqlay meel u dhow degmada Lamu rasaas xoogan oo socotay ku dhowaad muddo halsac ah

