Qof naftii hure ahaa ayaa saakay weerar ismiidaamin ahaa ku qaaday agagaarka xarunta Dibolomaasiyadda Mareykanka ee ku taalla Magaalada Jidah oo dhacda Woqooyiga Dalka Sacuudiga.
Ciidamada ilaalada xarunta Dibolomaasiyadda Mareykanka ayaa rasaas ku furey ninka isku soo xirey waxyaabaha qarxa taasi oo keentay in naftii huraha uu ku qarxo meel aan u dhaweyn xarunta Dibolomaasiyadda Mareykanka ee ku taalla magaalada Jidah.
Wasaaradda arrimaha Gudaha dalka sacuudiga oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay In uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo soo gaaray dadkii ku sugnaa xarunta Dibolomaasiyadda Mareykanka ee ku taalla magaalada Jidah, markii laga reebo naftii Huraha
Maamulka Safaaradda Mareykanka ee dalka Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in dadka muwaadiniinta ah ee ka jooga halkaasi in aysan soo gaarin wax dhibaato ah ama wax dhaawc ah gaar ahaan shaqaalaha qunsiliyadda .
Ururka Daacish ayaa loogu bartay in ay weeraro ka geystaan dalka Sacuudiga, inkastoo sanadkii 2004-tii weerar sidaan oo kala ah lagu qaaday xaruntii qunsiliyadda mareykanku ku lahaa magaalada Jiddah,halkaas oo dagaal socday muddo 3-saacadood ah ay ku dhinteen shan shaqaale ah iyo kuwii weerarka soo qaaday.

