Siyaasiga Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamuud Faroole oo warbaahinta la hadlay ku tilmaamay in Maamulka Jubba-land uu yahay mid aan gaari Karin deeganada ay ku sugan yihiin al-shabaab islamarkaana uu fadhiit ku yahay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
“Maamulada la dhisay aan ka bilaabo Maamulka Jubba-land waa maamul aan dhaafsiisneen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose sababtoo ah ma helin qalab uu ku dhaqaaqo uu dagaal kula galo Al-shabaab oo ku sugan Gobolada Juuboyinka iyo Gedo”, ayuu yiri siyaasiga C/raxmaan Shiikh Maxamuud Faroole.
Siyaasiga Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamuud Faroole ayaa ku dhaliilay Madaxda dowlada Soomaliya iyo Beesha Caalamka in aysan siinin Maamulada dalka ka Jira qalabkii loogu talagalay in ay ku howlgalaan sida gaadiidka dagaal ciidamo aad u tababaran.

