Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka talyaaniga Tiro koob ay sameysay ayay ku sheegtay in lixdii bilood aynu soo dhaafnay Xeebaha dalka talyaniga ay gaareen 7,0930 Muhaajiriin ah.
Waxay intaa raacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Talyaaniga in Sanadkii 2015kii, isla Xeebahaasi ay ka degeen 71,092 qof,oo ka kala yimid Saharaha Afrika, Nigeria (15%) Eritrea (13%) Gambia(8%) ivory coast(7%) Guinea(7%) Sudan (6%) Soomaliya (6%)Senegal (6%) iyo dalka Mali( %5) Iyo dalalka Kale.
Qulqulka dadka Mahaajiriinta ayaa la sheegay in uu saro u kacay waxaa la Tilmaamay in Bishaan June dhamaadkeeda ay xeebaha dalka Talyaaniga gaareen Muhaarijiriin gaareysa 132,000-qof.
Dalka Talyaaniga ayaa kamid ah dalka ay gaaraan dadka Muhaajiriinta waxay dadka intooda badan ay kasoo baxan xeebaha dalka Libiya qaarkooda ayaa ku dhinta Badda Mediterranean oo ah marinka ay maraan Muhaajiriinta doonaysa in ay garaan dalka Talyaaniga.

