Korneel Barre aadan Shire Barre Hiiraale oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa kasoo horjeystay aqbalida Maamulka Juba-land uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe.
Afhayeenka Korneel Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Korneel Barre Hiiraale uu si cad ugu soo horjeystay aqoonsiga Maamulka Juba-land uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
“Barre Hiiraale waxa uu kulamo la qaatay Madax ka Tirsan Dowladaha Kenya iyo Mareykanka waxayna kusoo dhamaadeen is afgarad balse wadahadalka kama mid aheyn in uu aqbalay aqoonsiga Maamulka Juba-land ayuu yiri Afhayeenka Korneel Barre Hiiraale C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay idaacada Simba.
Siyaasiga Korneel Barre Hiiraale ayaa kasoo horjeeda siyaasada uu wax ku maamulo Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam Axmed.

