Dowlada Kenya oo Bilowday Dib u Soo Celinta Qaxootiga Soomaliyeed

0

Dowlada Kenya ayaa bilowday dib usoo celinta Qaxootigii ugu horeysay Soomaliyeed ee  ku jira xeryaha Qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Ugu yaraan 180-qaxooti soomaliyeed ayaa lasoo gaarsiiyay xaduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo badankoda la gaarsiiyay Degmada  Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, Dadka badankooda ayaa lagu daad gureynayay busas ay leedahay Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoode ee UNHCR.

Xiriiriyaha Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya Maxamed Saleh oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la bilaabay dib u celinta qaxootiga Soomaliyeed islamarkaana 180-qaxooti ah dib logu celiyay Magaalooyinkii ay markii hore kasoo barakaceen.

Qaxootiga kasoo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa la sheegay in ay gaareen Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq oo ku yaala koonfurta dalka soomaliya iyadoo qoys walba la siiyay lacag gaareysa 2,000 Dollar si ay Nolosha ugu bilowdaan sida uu sheegay Xiriiriyaha Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya Maxamed Saleh.

Dowladaha Kenya iyo Soomaliya ayaa dhawaan wada saxiixay in dib loosoo celiyo qaxootiga soomaliyeed ee 25-sano aynu soo dhaafnay ku noolaa xeryaha Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya, kadib markii Dowlada dalkaas ay sheegtay in Xeryaha  ay gabaad u yihiin Xarakada al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here