Maamulka Gobolka Mudug oo Ka Hadlay Dad Loogu Shakiyay Basaasin in ay u Ahaayeen Galmudug

0

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland  ayaa raaligalin ka bixiyay 4-ruux oo looga shakiyay iney basaasiin u ahaayeen  Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa sheegay afartaan nin ee lagu tilmaamay Basaasiin in ay yihiin shakhsiyaad uu ku casuumay shirka uu madaxweynaha la qaadanayay bulshada Gaalkacyo islamarkaasna wuxuu sheegay inaysan wax shuqul ah ku lahayn Galmudug iyo kooxo kaleba, wuxuuna ka raali geliyay xarigii loo geystay iyo qaladaadka laga galay.

Mudane Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow Waxa uu Tilmaamay in markii Hore Laamaha amaanka Magaalada Gaalkacyo ay ka shakiyeen raggaan balse baaritaan kadib la ogaaday in ay yihiin kuwa aan wax xiriir ah la laheyn Maamulka Galmudug.

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa raggaan sii daayay kadib markii la ogaaday inay yihiin dad reer Puntland ah oo shirka lagu marti qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here