Aqoonyahan Soomaliyeed oo Dowlada Ugu Baaqay in ay Dadajiso Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Mid kamid ah aqoonyahanada Soomaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Xayle oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ka codsaday in ay faragalin ku sameeyeen shirka Maamul U sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

C/raxmaan Maxamed Xayle ayaa sheegay in ergooyinka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Mas’uuliyiintii loo xil saaray shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe  ay ku guuldareysteen hanaankii loo mari lahaa shirka islamarkaana haatan la joogo xiligaan madaxda ugu sareysa dowlada soomaliya ay soo faragalin lahaayeen shirka.

“Madaxda dowlada soomaliya   xitaa kuwa Maamul Goboleedyada  ee haatan jira waxaa ugu baaqayaa in ay faragalin  ku sameeyeen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayuu yiri”, aqoonyahan C/raxmaan Maxamed Xayle.

Dowlada soomaliya ayaa dhameystiri la’ shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe iyadoo dhawaan ay soo baxeyn warar ku aadan in arrimaha shirka lagu wareejiyay Urur Goboleedka IGAD oo kulamo la qaatay odoyaasha Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda shirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here