Mid kamid ah aqoonyahanada Soomaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Xayle oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magalada Muqdisho ayaa madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ka codsaday in ay faragalin ku sameeyeen shirka Maamul U sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
C/raxmaan Maxamed Xayle ayaa sheegay in ergooyinka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Mas’uuliyiintii loo xil saaray shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ay ku guuldareysteen hanaankii loo mari lahaa shirka islamarkaana haatan la joogo xiligaan madaxda ugu sareysa dowlada soomaliya ay soo faragalin lahaayeen shirka.
“Madaxda dowlada soomaliya xitaa kuwa Maamul Goboleedyada ee haatan jira waxaa ugu baaqayaa in ay faragalin ku sameeyeen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayuu yiri”, aqoonyahan C/raxmaan Maxamed Xayle.
Dowlada soomaliya ayaa dhameystiri la’ shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe iyadoo dhawaan ay soo baxeyn warar ku aadan in arrimaha shirka lagu wareejiyay Urur Goboleedka IGAD oo kulamo la qaatay odoyaasha Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda shirka.

