Ismaaciil Khaliif:-“Howlgalo Al-shabaab Loogu Saarayo Gobolada Baay Iyo Bakool ayaa Bilaaban doona”+Dhageyso

0

Abaanduulaha Guutada 60-aad Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed  ee Gobolada Bay iyo Bakool oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal balaaran oo al-shabaab loogu saarayo Goboladaas.

Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay In la diyaariyay Dhamaan Ciidamadii Loogu talagalay in ay la dagaalamaan Al-shabaab kuwaasi oo isugu jira Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya, Ciidamada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa Ethopia.

“Howlgaladaan  waxa ay kaga duwan yihiin kuwii hore waa kuwii lagu sifeyn lahaa  kuwa la magac-baxay al-shabaab ee ku ciyaaray magacii dhalinyarada Soomaliyeed ee ku sugan qaar kamid ah Tuulooyinka Gobolada Baay iyo Bakool”  ayuu Yiri Taliyaha.

Shalay ayay aheyd markii Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha SoomaliyaXasan shiikh Maxamuud lagu sheegay in si deg deg ah loo bilaabi doono Howlgalada Gobolada Dalka Soomaliya loogu saarayo Xarakada Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here