Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la Kulmay adeegaha Labada Xaram ee Shariifka ah,ahna Boqorka Sacuudiga Boqor Salman bin C/Casiis Ala Sacuud.
Mudane Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo kulan afur ahaa la qaatay Boqorka dalka Scuudiga ayaa waxay kawada hadleen afurka kadib xiriirka labada dal ee Walalaha ah Soomaalia iyo Sacuudiga iyo guud ahaan qadiyadaha muhimka ah oo ay laba waddan wadagaan.
Kulanka dhexmaray Boqorka dalka Sacuuudiga Salman bin C/Casiis Ala Sacuud, iyo R/wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka dhacay Qasriga Al-safaa ee Maka Al-mukaram.
Dhanka kale, R/wasaaraha Somaaliya oo ka Cimreystay Masjidka Xaramka, wuxuu kaloo halkaa kula kulmay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Masjidka Xaramka General Mahamed Al-axmadi.

