Raisulwasaare Cumar C/rashiid oo La Kulmay Boqorka Dalka Sacuuudiga Salman Bin C/Casiis Ala Sacuud.

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la Kulmay  adeegaha Labada Xaram ee Shariifka ah,ahna Boqorka Sacuudiga Boqor  Salman bin C/Casiis Ala Sacuud.

Mudane Cumar C/rashiid Cali Shamarke oo kulan afur ahaa la qaatay Boqorka dalka Scuudiga ayaa waxay kawada hadleen afurka kadib xiriirka labada dal ee Walalaha ah  Soomaalia iyo Sacuudiga iyo guud ahaan qadiyadaha muhimka ah oo  ay laba waddan wadagaan.

Kulanka dhexmaray  Boqorka  dalka Sacuuudiga Salman bin C/Casiis Ala Sacuud,  iyo R/wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka dhacay Qasriga  Al-safaa ee Maka Al-mukaram.

Dhanka kale, R/wasaaraha Somaaliya oo ka Cimreystay Masjidka Xaramka, wuxuu kaloo halkaa kula kulmay Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee Masjidka Xaramka General  Mahamed Al-axmadi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here