Ururka Iskaashiga Islaamka oo saldhigiisu yahay magaalada Jiddah, ee dalka Sacuudiga Arabia ayaa si cad ugu soo horjeystay Qaraar Jinsiga la xiriira oo uu dhawan Golaha xuquul Insaanka ee Qaraamada Midoobay gabgabadii shirweynihiisa 32-aad ka soo saaray.
Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Iyaad Amiin Madani, ayaa cadeeyay in Ururkiisu uu la dagaalmayo dhamaanba noocyada Jinsiga oo aan waafaqsaneyn shuruucda Islaamka oo Golaha xuquul Insaanka Qaraamada Midoobay uu ksoo saray laguna bahdilayo qiyamka Muslimiinta, meelna loogu dhacayo Diinta Islaamka ee muqadaska ah.
“Diinta Islaamka ilaahey ayaa kaamil yeelay wax walba ilaahey ayaa ku cadeeyay Ururka Iskaashiga Islaamka iyo wadama Islaaamka marnaba ma aqbali doonaan waxa loogu yeero xuquul Insaanka ee Qaraamada Midoobay ay meel marisay, “ ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Iyaad Amiin Madani.
Wuxuuna ka digay Iyaad Amiin Madani Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka in Golaha xuquuqul insaanka Q/Midoobay ay qaadaan talaabo ka dhan ah muslimiinta ee dhanka sinaanta jinsiga la xiriirta, isla markaana Golohu raaco qawaaniinta dowliga ah, xaqa saxda ah ee qofku leeyahay, sida ay diintena na farayso.

