Dawlada Kenya oo Sheegtay in Duqayn ay Al-shabaab ku Bartilmaameedsatay ay ka Geysatay Gobolka Gedo.

0

Dawlada dalka Kenya ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya ee ku hawlgala  magaca AMISOM  ay duqaymo dhinaca cirka ah ka geysteen xero ku taala Gobolka Gedo oo ay ku sugnaayeen al-shabaab halkaas oo ay tilmaamtay in ay ku dishay askar ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Kenya ayaa sheegin inta xubnood oo ay ku dishay duqayntaas balse waxa ay tilmaantay in sidoo kale ay ku burburisay hub nuucyo kala duwan isugu jira.

Illo ku dhow Ciidamada Milatariga ee dalka Kenya ayaa tilmaamay in weerarkaas ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya islamarkaana lagu bartilmaameedsaday goobo ay isku qarinayeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab meel u dhow degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Inkasta oo weli war rasmi ah aan laga soo saarin weerarkaas haddana dawlada Kenya ayaa sheegaysa in ay ku bur burisay lix xarumood .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here