Xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe Puntland waxaa maanta laga sii daayay Maxaabis gaareysa 33- oo dhawaan cafis u fadhiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.
Qoraal madaxtooyada Puntland kasoo baxay oo loo gudbiyay taliska xabsiga dhexe ee Magaalada Garowe ayaa lagu faray in maxaabiista lasii daayo labada bisha july oo maanta ku beegan.
Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxay isku diyaarinayaan inay xoriyadooda dib u helaan, iyagoo ka faa’idaysanaya cafiska uu madaxweynaha Puntland u fidiyay oo lagu weynayayo maalinta Ciida awgeed.

