Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaayo in Gudoomiyihii deegaanka Galcad Qadar Maxamuud Cali in lagu dilay dagaaladii maalmihii dambe ka dhacayay Tuulada Ceel-hareeri oo hoostagta Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaliya aynu la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay dhimashada Gudoomiyihii deegaanka Galcad Qadar Maxamuud Cali oo maalmihii dambe kamid ahaa Mas’uuliyiin hogaaminaysay Dagaalo ka socday Tuulada Tuulada Ceel-hareeri.

