Madaafiic Saakay Lagu Garaacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay wararka ka imaanaya  ayaa ku waramaya in Tiro Madaafiic ah  subaxnimadii  Hore ee saakay lagu garaacay Magaaladaas.

In ka badan 15 xabo oo madaafiic ah, ayaa ku soo dhacay xaafado ka mid ah Magaalada Baydhabo, ee Gobolka Baay  iyadoona ay dadka ka horjoogsadeen in ay Salaadda Subax ku tukadaan Masaajida.

Dad ku nool Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaafiicda ay Magaalada ku socotay daqiiqado gaaraya 18-daqiiqo islamarkaana ay dadka cabsi ka muujiyeen,

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arintaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here