Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Cumar Yare), oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaliya ayaa xalay lagu dilay Gudaha degmada Xamar Jajab ee Magaalada muqdisho.
Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Cumar Yare), waxaa la dilay wax yar uun ka dib, markii uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajidka Dekedda, degmada Xamar Jajab
Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore, oo ka hadlay dilka marxuumka, ayaa xaqiijiyay in fiidnimadii caawa lagu toogtay Degmadaasi. islamarkaana laamaha amaanka ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilka.

