Sheekh Cumar Xuseen oo Kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Lagu Dilay Degmada Xamar Jajab

0

Allaha u naxariistee Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Cumar Yare), oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaliya ayaa xalay lagu dilay Gudaha degmada Xamar Jajab ee Magaalada muqdisho.

Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Cumar Yare), waxaa la dilay wax yar uun ka dib, markii uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajidka Dekedda, degmada Xamar Jajab

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore,  oo ka hadlay dilka marxuumka, ayaa xaqiijiyay in fiidnimadii caawa lagu toogtay Degmadaasi. islamarkaana laamaha amaanka ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay dilka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here