Xildhibaan Yaxye Gaandi Cusmaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlanka Puntland oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey madaxda Puntland inay Jabiyeen qaarka mid ah Qodobo ka mid ah Dastuurka Maamulka Puntland oo Muhiim ahaa in lugu Dhaqmo.
Xildhibaan Gaandi oo sii hadlayey ayaa Sheegay in War-faafinta Maxamuud Xasan Soocade uu jabiyay Qodbada Qeexayaha Dimuquraadiyada iyo Xoriyada hadalka Muwaadiniinta Puntland oo tilmaamay inay Aas-aas u yihiin jiritaanka Maamulka Puntland.
Xildhibaan Yaxye Gaandi ayaa intaa hadalkiisa sii raaciyey ayaa waxa laga Xumdaado ku timaamay Cuburinta iyo Xoog u sheegashada Saxaafada Madaxa Banaan ee Gobalada Puntland waxa uuna ku hanjabay in Baarlamaanka Puntland ay tilaabo Sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan mas’uul kasta oo ku Xadgudba Xeerarka iyo Qawaaniinta u yaala Maamulka Puntland.
Hadalkaan ayaa kusoo beegamaya xili dhawaan Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan SooCadde uu hanjabaad u jeediyay Wariyaasha deeganada Maamulka Puntland ka Howlgala isagoo sidoo kale eedeeyay xariga Radio Daljir oo dhawaan Wareystay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan.

