Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal heynta Barnaamijka siyaasadda dowladda ee ku aaddan jinsiga ee dhowaan ay Xukuumadda Soomaliya meel marisay.
“Beryahan waxaa jirey warar sheegaya in culumada ay ka xumaadeen qodobo ay sheegeen inay ku jiraan barnaamijka siyaasadda jinsiga ee dowladda. Dalkeena waa dal muslim ah 100%, sunni ah , hal mad-hab oo Shaafici ahna wada haysta. Marnaba suuragal ma ahan in dowladda iyo qof kaleba ay isku dayaan inay waddankan ka dhaqan geliyaan wax ka hor imaanayaa diinta Islaamka. Hadddii ay wax jiraan waxaa wanaagsan in marka hore la hubsado si xaqiiqda loo ogaado intaan warbaahinta la gelin warar aan la hubin’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud.
Dhawaan ayay aheyd markii Hay’ada Culumida Soomaliyeed ay kasoo horjeesatay ansixinta Barnaamijka siyaasadda dowladda ee ku aaddan jinsiga balse Xukuumada soomaliya ayaa Culumada soomaliyeed ku marti qaaday shirkii Golaha wasiirada Xukuumada soomaliya iyadoo arintaas Guddi loo xilsaaray kuwaasi oo dib u eegis ku sameyn doona.

