Munaasabada 1-Luuliyo oo Xalay Laga Xusay Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Munaasabad lagu maamuusayo 56-sano guuradii kasoo wareegtay xornimo qaadashadii Gobolada koofurta iyo israacii waqooyi iyo koofur Isla-markaan ay ka soo qeyb galeen Madaxda ugu Sareysa dalka ayaa Xalay lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu maamuusayo 1-luuliyo ee Xalay lugu Qabtay Caasimada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisulwasaarada Xukuumada Federaalka, Ra’iisulwasaarada Ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale.

Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Dalka Mudane  Maxamed Cumar Carte oo khubad ka jeediyey Munaasabada Xuska  1-luuliyo ayaa la ilmeeyey kala Qoqobka umada Soomaaliyeed ka dhex jira waxaan Sheegay in Bulshada Gobalada Waqooyi ay wali utaagan yihiin midnimada Soomaali Weyn waxaana Xusay ilaa xad aysan ka daali doonin sidii loogaari lahaa Soomaaliya oo dib u midowda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed oo Khudbad ka Jeediyey Munaasabada ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Qiimaha ay leedahay 1-Luuliyo oo ah Markii ay Gobalada Koofurta ay ka Xoroobeen Gumaysitihii  Talyaaniga islamarkaan ay mudoobeen Golabada Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay umidoobaan Dib u dhiska Qaranka Soomaaliya iyo in ay iska cafiyaan wax walba oo ay kala tabanayaan si loogaaro hiigsiga Dowlada Xoog badan oo Soomaaliya ay yeelato ku Dhawaad Rubac Qarni Sano oo Soomaaliya ay Mar-xalado kala Duwan ku jirtay.

IMG_3361 IMG_3362 (1) IMG_3362 IMG_3364 IMG_3372 (1) IMG_3394 IMG_3389 IMG_3385 IMG_3376 IMG_3373 IMG_3372 IMG_3384 IMG_3476 IMG_3425 IMG_3399 IMG_3397 IMG_3491 IMG_3503

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here