Siyaasiyiin badan oo daafaha caalamka kala jooga ayaa sheegay in ay cambaaraynayaan islamarkaana uu yahay wax laganaxo weerarkii sedexda nin oo hubaysan ay ku qaadeen Airpor-ka magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga kaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 50 qof tira intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Saraakiisha dalka Turky-ga ayaa sheegay in weerarkaas uu dhacay habeenkii talaadadii uu u muuqday mid ay fuliyeen kooxda daacish,oo horay dhawr weerar uga geysatay dalkaas,inkastoo illaa iyo hada weerarkii u dambeeyay aysan jirin cid masuuliyadiisa sheegatay.
Hogaamiyayaasha weerarkaan cambaareeyay islamarkaan ku tilmaamay mid argagixiso waxaa ka mid ah xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon,iyo madax kale oo kasoo jeeda wadama badan oo uu Maraykanku ka midyahay.

