Dowlada Soomaaliya oo Beesha Caalamka u Sheegtay in Sugidda Amaanka Dalka ay u Diyaarineyso Qorshayaal+Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa habeenkii xalay kulan la qaatay Madax ka socota Beesha Caalamka kulankaas oo loogu hadlay Arrimaha xiligaan ka taagan  Soomaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada soomaliya Mudane Daaud Aweys Jaamac oo Warbaahinta shir Jaraaid ugu qabtay Gudaha Madaxtooyada Soomaliya kadib kulanka  ayaa tilmaamay in madaxda soomalida  ay beesha Caalamka u gudbiyeen qorshayaal loo diyaariyay Sugida amniga dalka Soomaliya oo dhan.

“Waxyaabaha sida weyn diiirada loo saaray waxaa kamid ahaa Barnaamijka dhanka amniga qaranka iyo sidii Ciidamada dowlada Soomaliya ay ula wareegi lahaayeen dhamaan amniga dalka,  saldhigyada ay bixi doonaan Ciidamada Amisom oo muddo dowlada ka caawinayay Sugida amniga” ayuu yiri Daauud.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalmihii dambe kulamo la qaadanayay Madaxda Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaliya arrimaha uu kala hadlay waxaa kamid ahaa amniga, iyo Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here