Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Galguduud ee Bartamaha Dhulka Soomaaliya

0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan katirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa intiisa badan ka dhacay deegaanka Ceel-Hareeri oo dhaca duleedka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud waxaa dagaalka qaaday Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo billo ka hor laga saaray deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay u suurta gashay la wareegitaanka deegaanka Ceel-Hareeri oo dhaca duleedka degmada Galcad in ay dilaan 10-askari oo ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here