Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax loogu soo horjeeday Dowladda Federaalka Somaliya iyo shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan dowlada Federaalka Soomaliya iyagoo sidoo kale Taageero u muujinayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo dhawaan shaaciyay in aysan odayaasha Gobolka Hiiraan ka qeyb gali doonin shirka Magaalada Jowhar.
Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxaa la hadlay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo u sheegay inuu aad u soo dhaweynaayo Banaanbaxa ay aragtidooda ku muujinayaan iyo rabitaankooda wuxuuna Tilmaamay in rabitaanka reer Hiiraan oo kaliyah uu shaqeyn doono mar walba.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa dhawaan ku gacan seeray shirka Maamul U sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaa soo baxay maalmihii dambe warar ku aadan In Ugaas cusub uu Madaxweynaha soomaliya u magacaacay Gobolkaas.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ugaaska aanan lagu darin Liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaliya.

