Wasiirka Cusub ee Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo Xilka La Wareegay+Sawirro

0

Muqdisho, June 28, 2016…..Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xil-wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkii kasii wadi doono shaqada Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.

986f1e39-7639-4004-aeb3-bf236a39ea9f 986f1e39-7639-4004-aeb3-bf236a39ea9f-1-640x426 five-2-640x426 for-1 one-1 to-640x426

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here