Wade Mooto Bajaaj oo Lagu Dilay Isgoyska Ex-Control ee Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ex-Control ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in askari ka Tirsan Ciidamada Minishiibiyada Somaliya uu halkaas ku dilay mid kamid ah darawalada Mooto Bajaajka.

Askariga dilka geystay ayaa celiyay ninkaan oo watay Mooto Bajaaj, kadibna wuxuu ku amray inuu bixiyo lacag, hayeeshe ninkii waday Mooto Bajaajta ayaa ka dhaga adeegay bixinta lacagtaasi taasi oo keentay in uu rasaas ku furo.

Xabadaha ku dhacay wadihii mooto bajaajka ayaa sababtay in uu ku geeriyoodo isla goobta askarigii dilka geystay ayaa isku dayay in uu goobta ka baxsado balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Dowlada soomaliya oo goobta ka ak dhawaa.

Xarunta Dambi Baarista ee CID ayaa la geeyay Askariga falka dilka ah geystay halkaasi oo iminka lagu haayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here