Ciidamada Amisom oo aan Helin Wax Mushaaraad ah  Lixdii Bilood aynu Soo Dhaafnay

0

Ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan ayaan helin wax mushaaraad ah lixdii bilood aynu soo dhaafnay sida ay ogaatay BBc-da Laanteeda afka ingiriiska.

22,000 oo askari oo ka socda wadamada afrika sida Kenya,Uganda, Brundi, Ethopia iyo Jabuuti, ayaa ku sugan gudaha soomaliya kuwaasi oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab oo siyaaad ahaan kasoo horjeeda Dowlada Soomaliya iyo joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Midowga Yurub ayaa bbc-da  u sheegay in lixdii bilood aynu soo dhaafnay wax mushaaraad ah aysan helin ciidamada Amisom hoos yimaada sababo la xiriira in aan lasoo gubdin warqadihii lacag bixinta.

Midowga Yurub ayaa bixiya dhaqaalaha la siiyo Ciidamada Amisom askari kasto oo hoos yimaada Taliska Amisom waxa uu qataa lacag gaareysa $1,028 (£700).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here