Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaliyeed oo Lagu Dilay Degmada Wadajir

0

Xalay Fiidkii Kooxo Hubeysan ayaa waxaa ay Xaafadda Nasteexo Ee Degmada Wadajir ay Ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Xasan Raage.

Kooxo hubaysan oo bastoolado watay ayaa la sheegay in ay toogteen fiidkii Xalay xilli uu ku Sugnaa xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir,Markii uu dilku dhacay ayaa waxaa goobta isaga baxsaday kooxihii dilka u geystay Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ee Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaa u sheegay Radio Simba in ay wadaan baaritaanno ku aaddan qaabka uu u dhacay dilka Sarkaalkan iyo waliba Cidii ka dambeysay intaba, islamarkaana ay warbixin dhiibidoonaan kadib Markii ay meel ku saleeyaan Baaritaan ay wadaan Ciidanka Ammaanka ee degmadaasi oo ku aaddan soo qabashada Kooxihii weerarka fuliyey.

Warar lagu baahiyey baraha Al-shabaab taageera ee internet-ka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay ka tirsanaayeen ragga geystay weerarka lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ee Xalay ka dhacay Xaafadda Nasteexo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here