Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta u dabaaldagaya markii xornimadiisa uu ka qaatay Gumeystihii Faransiiska 27-june sanadkii 1977-dii oo maanta laga joogo 39-sano.
Qaban qaabada Munaasabado loogu dabaaldagayo xurnimada dalkaas 27-june ayaa laga dareemayaa Magaalooyin waa weyn ee dalkaas iyo Caasimada Djabuuti, iyadoo munaasabadahaas ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa dalkaas sida Madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo Telefeshinka qaranka dalka Jabuuti kala hadlay dadweynaha reer Jabuuti ayaa ugu hambalyeeyay sanadguurada 39-aad ee kasoo wareegatay Markii dowlada Jamhuuriyada Jabuuti ay madax banaanida ka qaadatay Gumeystihihii Faransiiska.

