Xasan Shiikh:-“Anaga Ma Diidayno in Al-shabaab ay Kamid Noqdaan Siyaasada Soomaliya”+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-shabaab in ay kusoo biiraan Siyaasada Soomaliya islamarkaana dowlada soomaliya ay gacmo furan kusoo dhaweynayso.

“Aaway dadkii waa weynaa  Magacayada lahaa oo markii Magaalada dhexmarayaan ay magaalada  gariiri jirtay waa la waayay anaga iyo al-shabaab waxba nagama dhaxeeyo hadii ay kasoo noqdaan fikirka qaldan waan soo dhaweynaynaa  waxbarashaa siinaynaa, dhaqan celin ayaan u sameynaynaa, siyaasada ayay kamid noqonayaan hadii ay nagu soo biiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxmauud .

Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in aysan soo dhaweynaynin kuwa ajaanibta ah ee ka yimid dalalka kalal ah Yemen, ciraaq, Syria, Masar, Algeria, mareykanka, kenya, Uganda iyo  dalalka kale ee dhibaatada kawada soomaliya ee ka Tirsan Xarakada al-shabaab.

“Mid soo qaribay dalkiisa oo doonaya in uu haligo umada Soomaaliyeed sooma dhaweynayno ayuu yiri Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Dowlada soomaliya ayaa marar badan ku celcelisay in ay  soo dhaweynayso Al-shabaab balse hogaanka al-shabaab ayaa arintaas gaashaanka u daruuray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here