Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-shabaab in ay kusoo biiraan Siyaasada Soomaliya islamarkaana dowlada soomaliya ay gacmo furan kusoo dhaweynayso.
“Aaway dadkii waa weynaa Magacayada lahaa oo markii Magaalada dhexmarayaan ay magaalada gariiri jirtay waa la waayay anaga iyo al-shabaab waxba nagama dhaxeeyo hadii ay kasoo noqdaan fikirka qaldan waan soo dhaweynaynaa waxbarashaa siinaynaa, dhaqan celin ayaan u sameynaynaa, siyaasada ayay kamid noqonayaan hadii ay nagu soo biiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxmauud .
Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in aysan soo dhaweynaynin kuwa ajaanibta ah ee ka yimid dalalka kalal ah Yemen, ciraaq, Syria, Masar, Algeria, mareykanka, kenya, Uganda iyo dalalka kale ee dhibaatada kawada soomaliya ee ka Tirsan Xarakada al-shabaab.
“Mid soo qaribay dalkiisa oo doonaya in uu haligo umada Soomaaliyeed sooma dhaweynayno ayuu yiri Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud.
Dhanka kale Dowlada soomaliya ayaa marar badan ku celcelisay in ay soo dhaweynayso Al-shabaab balse hogaanka al-shabaab ayaa arintaas gaashaanka u daruuray.

