Dowlada Soomaliya oo Soo Bandhigtay Meydadka Ragii Weeraray Hoteelka Naasa-hablood 1 +Sawirro

0

Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaliya ayaa soo bandhigtay Sawirada Meydadka ragii weerarkii qorshaysnaa galinkii dambe ee Shalay ku qaaday Hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri oo warbaahinta kula hadlay Hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in raga lasoo bandhigay ay ahaayeen kuwii fuliyay weerarkii lagu soo qaaday Hoteelka balse ugu dambeen ay toogteen Ciidamada amaanka dowlada soomaliya.

“Dhalinyaradaan aad halkaan  ku arkeysaan waa kuwii weerarka kusoo qaaday hoteelka muddo saacado ah ayay ka dagaalameen Gudaha Hoteelka balse ugu dambeen ciidamada Amaanka dowlada soomaliya waxa ay ku guuleysteen in  ay toogtaan”. ayaa ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Inta la xaqiijiyay 16-ruux oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday hoteelka Naasa hablood 1 ee Magaalada Muqdisho waxaa Mas’uuliyada weerarka sheegtay Xarakada Al-shabaab.

13275185_929308793864827_288678678_o  13549015_929309030531470_17456570_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here