Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay mar walba diyaar u tahay qancinta shacabka iyo Maamulka Somali-land oo siyaad ahaan kasoo horjeeda Soomaliya.
“Waxaan si gaar ah hambalyadan ugu dirayaa shacabka ku dhaqan gobollada waqooyi. Soomaaliya waxay houmar ku gaari kartaa midnimo, sidaa darted waxaan mar kasta diyaar u nahay inaan qancino walaalaheena gobollada waqooyi si aan midnimadeena u ilaalino. Wan qirayaa inay dhibaatooyin dhaceen, waxaana doonaynaa inaan wixii dhacay xal u raadino, aanna ka wada shaqeyno horumarka dalkeena’’.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa tilmaamay in jiraan dhibaatooyin ay tabanayaan shacabka Gobolada ku nool Gobolada Woqooyi iyo Madaxdooda balse Madaxda dowlada Soomaliya ay mar walba diyaar u yihiin qancinta walaalahooda Gobolada Woqooyi ee Soomaliya.
Maanta oo ay ku beegan tahay 26-june waa xuska 56sano guuradii kasoo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka, iyadoo aysan jirin munaasabado lagu xusaayo 26-june oo lagu qabanaayo Magaalooyinka Somali-land.

