Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay looguna dabaaldayay xuska 56sano guuradii kasoo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka, aya xalay lagu qabtay xarunta dowlada Hoose ee Magaalada.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya sida Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale.
Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabada ayaa ka sheekeeyeeyay qiimaha ay leedahay 26-june oo ah markii ugu horeysay ee calan soomaliyeed laga taagay dhulka soomaliyeed islamarkaana Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriirka.
“Caawa iyo muhiimadda ay leedahay xafladan waa laga hadlay, Ra’iisul wasaare ku-xigeenkuna wuu ku mahadsanyahay sida uu noogu taabtay taariikhda loo soo maray maanta oo kale, Sooamaaliya, 1960-kii calanka caawa oo kale la taagay isago xor ah waa arrin farxad leh inaan xusno”ayuu yiri Madaxweynaha.
























