Banaanbax Loogu Soo Horjeeday Hadalkii kasoo Yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka Dhacay Garoowe

0

Bananbax loogu soo horjeeday hadalkii dhawaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta Maamulka Punland Maxamuud soo cadde oo ahaa in la dilo wariyihii tabiya wararka ku aadan gudoomiyihii hore ee Gobolka bari C/samad Gallan oo kasoo horjeeda Maamulka C/wali Gaas ayaa maanta ka dhacay Magaalada garoowe.

Banaanbaxa ayaa intiisa badan ka dhacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal dadka banaanbaxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen waan kasoo horjeednaa hadalka kasoo yeeray wasiirka iyo dooni mayno kuwa u hanjaba wariyaasha.

Arintaan ayaa ku beegmaysa xili dhawaan wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Soo cadde uu sheegay In la dili doono wariyihii tabiya wararka ku aadan Gudoomiyihii ee Gobolka Bari C/samad Gallan oo haatan ku sugan duleedka Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale warar ay idaacada simba heshay ayaa tilmaamaya in ay jiraan heshiisyo horudhac ah oo dhexmaray Madaxda Maamulka Puntland iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka bari C/samad Gallan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here