Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Deegaanka Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Maamulka deegaanka aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano ka Tirsan al-shabaab kadib markii ay howlgal ka sameeyeen tuulooyin hoos yimaada deegaankaas.

Gudoomiyaha deegaanka aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamuud sheikh xasan oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho aaa sheegay in dagaalyahanada gacanta lagu dhigay ay ahaayeen kuwii qarxiyay Ceel biyood ku yaala deegaanka.

Waxa uu hadalkiisa ku daray Gudoomiyaha in 12- ay gaaraan dagaalyahanada lasoo qabtay islamarkaana ay haatan ku xiran yihiin saldhiga deegaanka aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here